Ciidamo ku dagaalamay Dhuusamareeb

14 sept 2019 (Puntlandes) Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in iska hor imaad uu saaka dhex maray Ciidamo ka tirsan Milteriga dawladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab ee ku sugan magaalada.

Sida wararku sheegayaan iska hor imaadkan ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari, waxaana is rasaaseyntan ay timid, kaddib markii ay ciidamada murmeen.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan, waxaana goobta is rasaaseynta ku dhex martay ciidamada gaaray Saraakiil ciidan, si ay xaalada u dejiyaan.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa ammaankeeda si aad ah loo adkeeyay, iyadoo dowladda Federaalka ay geysay ciidamo kala duwan oo ka qeyb qaadanaya sugida amniga guud ee magaalada oo uu ka socdo shirweyne dib u heshiisiin.

Puntlandes.com

About The Author