Guddoomiyaha G/Banaadir oo la kulmay Xildhibaannada Beelaha Hawiye ee labada Gole BF

16 sept 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Fillish) ayaa xalay kulan casho sharaf ah u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaanada Beelaha Hawiye ee Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka.

Kulankan ayaa ahaa mid is barasho iyo kala war-qaadasho, waxaana la isku dhaafsaday tallooyin guud oo ahaa mid amni iyo aayaha Caasimadda Muqdisho sidii horumarkeeda loogu wada shaqeyn lahaa.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa Guddoomiyaha u soo jeediyay tallooyin dhinaca amniga ah, sida in la furo jidadka xiran ee magaalada, isla markaana shacabka Muqdisho laga qaado culeysyada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka mahadceliyay tallooyinka ay u soo jeediyeen Xildhibaanada, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan, loona istaago horumarka Caasimadda, waxaana uu caddeeyay inay ka go’an tahay wax ka qabashada amniga caasimadda iyo in la furo jidadka xiran ee magaalada.

Xildhibaannada ka dhex muuqday kulanka ayaa waxaa ku jiray qaar ka mid ah Xildhibaannada sida xoogan mucaaradka ugu ah madaxda dawladda Federaalka.

Puntlandes.com

About The Author