Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Doollo oo gaaray Garowe

29 sept 2019 (Puntlandes) Wafti uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha gobolka Doollo Cabdinaasir Muxumed Cabdille, ayna kamid yihiin Hoggaanka Nabadgalyada iyo Caddaalada ayaa gaaray caasimadda Puntland ee Garowe.

Wafidiga Guddoomiyaha ayaa waxay wararku sheegayaan in safarkoodu la xiriiro iskaashiga dhanka Amaanka, waxayna la kulmeen wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Gallan iyo Taliyayaasha kala duwan ee Ciidanka Puntland.

Gobolka Doollo ee Dawlad Deegaanka Soomaaliya (DDS) ayaa xuduud la leh Sadex gobol oo ka mid gobolada Puntland, kuwaas oo kala ah Sool, Nugaal iyo Mudug.

Puntlandes.com

About The Author