Sawirro: UNDP oo afar baabuur ku wareejisay Golaha Barlamaanka Puntland

29 sept 2019 (Puntlandes) Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP ayaa maanta afar baabuur oo noocoodu yahay Xaajiyado ku wareejisay Golaha Barlamaanka Puntland.

Baabuurtaan ayaa qayb ka ah Mashruucda Taageerada Baarlamaanka (Parliament Support Project), waxaana wareejiyey Kusimaha Madaxa Xafiiska Hay’adda UNDP Garoowe Md. Muuse Ducaale, waxaana la wareegay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada DPL Md. Cabdirisaaq Xidig Warsame.

 


Puntlandes.com

About The Author