Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka Puntland

29 sept 2019 (Puntlandes) Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa maanta magaalada Garowe tababar uga furay laamaha garsoorka, laamaha Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan, tababarkaan ayaa casharada la qaadanayo waxaa ka mid ah hab cusub oo ay dowladda federaalka u bixin doonto warqadda dhaawac muujinta ee Rifeertada .

Xeer ilaaliyaha guud ee Soomaaliya  ayaa xusay warqadda dhaawac muujinta ee hadda laga bixiyo xarumaha Booliiska inay saamayn wayn ku leedahay mustaqbalka qofka nolashiisa, iyadoo mar walba ay ku xiran tahay sugnaanshaha habka loo bixinayo.

Md. Axmed Cali Daahir wuxuu intaasi raaciyay in dambiyo badan oo ka dhan ah xuquuqda Aadanaha lagu gaystay qaab qaldan oo loo adeegsaday Warqadaha dhaawac-muujinta(Rifeetooyinka), iyadoo ay masuul ka yihiin xarumaha laga bixiyo, dhanka kale waxaa uu xusay ka dib tababarkaan in uu rajaynayo in uu wax badan ka badalo aqoonta iyo Xirfadaha Garsoorayaasha, Booliiska, xafiiska difaaca xuquuqda Aadanaha iyo qareenada madaxa bannaan ee dalka.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu xusay in dowladda federalka ee Soomaaliya ay dhammaan xarumaha Booliiska Soomaaliya gaarsiindoonto Rifeertooyin aan waxba laga badali karin, la koobiyayn karin, islamarkaana numberaysan oo lagu qoridoono xogta dhibbanaha.

Wuxuuna kula dardaarmay in looga baahan yahay Laamaha Garsoorka Puntland in ay noqdaan kuwo aamin ah,isla markaana ka madax bannaan qabyaaladda,eex iyo nin jeclaysi oo uu sheegay in ay tahay waxa dumiyay garsoorka dalka.

Puntlandes.com

About The Author