MAXAY KA MIDAYSAN YIHIIN FARMAAJO IYO DENI?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxay ka midaysan yihiin nacayb iyo dagaal siyaasadeed oo foolxun oo ay ku qaadeen Beelo ay necen yihiin.

Farmaajo ayaa nacayb uu qabo beelaha Majeerteen dartiis waxa uu ka sifeeyey dawladda Federaalka dhamaan mas’uuliyiintii xilka ka haysay marka laga reebo  Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo ah “YES MAN” aan u damqanayn dal iyo dad.

Farmaajo madaxdii kasoo jeeday Beelahaas oo uu shaqada ka cayriyey waxaa ka mid ahaa Cabdi Faarax Juxa oo ah siyaasi aad u miisaan culus,  jecelna inuu dadkiisa iyo dalkiisa u shaqeeyo laakiin aan qof u shaqaynayn, wuxuu ku bedelay wasiir Cawad.

Sidoo kale waxa Deni oo ku shaqaynaya afkaarta kooxda xagjirka ah ee AARAAN JAAN  haya nacayb uu u qabo beesha Cumar Maxamuud oo Puntland ka degta koonfurta gobolka Nugaal iyo Mudug.

Deni ayaa ku hawlan iminka sidii Farmaajo oo kale xil ka qaadista mas’uuliyiinta xilalka ka haya Puntland ee ka soo jeeda beesha Cumar Maxamuud iyo inuu joojiyo mashruuc aad qiimo ugu lahaa gobolka Mudug.

Shaqaalaha Dowlda ee uu xilalka ka qaaday ee ka soojeeda Beesha Cumar Maxamuud mudadii koobnayd ee uu xilka hayay Dani waxa ka mid ah:

1- Agaasimaha PIA

2- Agaasimaha Guud Madaxtooyada

3- Taliyaha Booliska Gobolka Bari

4- Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada

5- Taliyaha Daraawiishta Qaybta gobolka Bari

6- Taliyaha Guud Ciidanka Darawiishata  Puntland

7- Taliyaha Daraawiishta Qaybta gobolka Mudug

8- Agaasimaha guud Wasaarada Amniga

9- Agaasimaha waaxda  Qoxootiyada wasaarada Arimaha Gudaha

10- Taliyaha Ururka 22aad

10- Iyo kuwo kale

 

Intaas kore waa bilaw waxaa u qorshaysan Deni in kabadan  inuu xilalka ka qaado, hadaba maxaa gaar ku ah Shaqaalaha beeshaas?!

 

Waxaa intaa kasii daran waxaa gabi ahaanba la joojiyaya Dhismaha Garoonka Diyaarada ee magaalada Gaalkacyo oo dawlada Deni ay ka gaabisay in la fuliyo mashruucaas oo diyaar ah.

Sida Farmaajo ayuu Deni wasiir dawladdiisa uga magacaabay Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo leh sifaha wasiir Cawad, danna aan ka lahayn shidada lagu wado gobolka oo uu ka soo jeedo.

 

Qorshaha Deni iyo kooxda Aaran Jaan ee Beeshaas ku wajahan

Dawladdii uu Cabdiraxman Faroole madaxweynaha ee Puntland oo ay kooxda Aaran Jaan garwadeenka ka ahayd waxaa Mudug laga dhigay goob colaadeed oo shido iyo nabadgalyo xumo ma ahee aysan wax horumar ah ka socon.

Burcadda iyo Tuugada ay kasoo ururiyaan Garowe ayey kusoo daadin jireen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, sidii inay tahay meel aan Puntland ba ka tirsanayn.

Hadana waxa u dagsan qorshe ah inay marka hore xilalka ka qaadaan taliyayaasha iyo saraakiisha ka soo jeeda beesha Cumar Maxamuud si kadib ay dhalinyarada hubka uga iibsadaan uuna u waayo gobolka Mudug difaac.

Madaxweyne Deni wuxuu Puntland ku wadaa wado qaldan oo ah kala gurid iyo bur-burin.

Puntlandes.com

About The Author