Dowladda Germany oo ku dhawaaqday inay Soomaaliya si $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay .

08 Okt  2019 (Puntlandes) Dowladda Germany ayaa maanta ku dhawaaqday inay bixinayao $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay Soomaaliya.

Safiirka Gernany ee Soomaaliya Ambassador Annett Gunther, ayaa taageeradaan dhaqaale uga dhawaaqay magaaalada Muqdisho xilli uu Germany u dabaal dagayay xuska maalinta midnimada Dalkooda oo lagu qabtay Muqdisho.

Ambassador Annett Gunther ayaa sheegtay dalkeedu inuu kordhinayo taageerada ku saabsan horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sii xoojindoonaan xiriirka labada dal.

Dhaqaalahaan ayuu Jarmalku sheegay in wax looga qabandoono horumarinta iyo tababarada xirfdaha gacanta, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, horumarinta reer Miyiga, Beeraha iyo maamulka Biyaha.

Puntlandes.com

About The Author