Sawirro: Guddoomiyayaaash Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jabuuti oo gaaray Baydhabo (muuqaal)

07 Okt  2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa gaaray Magaaladda Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Baydhabo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ay ugu horeeyaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda ee koonfur Galbeed iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladda baydhabo.

Guddoomiyayaasha ayaa u gaaray Baydhabo u gaaray inay ka qaybgalaan furitaanka kalfadhiga Baarlaamka koonfur Galbeed Soomaaliya oo furmaya 9ka bishaan oo ku beegan maalinta arbacada



Puntlandes.com

About The Author