Daawo Video: Ganacsade Jaamac Dhagadheer oo caddeeyey in aysan Puntland ka dhici doonin doorasho marka uu dhamaado xiliga Deni

Ganacsade Jaamac Dhagadheer oo ka mid ah ganacsatada gobolka Nugaal oo ka hadlayey munaasabaddii furitaanka kaldhiga golaha deegaanka degmada Garowe ayaa sheegay inaysan Puntland ka dhacayn doorasho qof iyo cod marka uu dhamaado mudo xileedka madaxweyne Deni.

Ganacsade Dhagadheer oo caddeeyey inay reer Nugaaleed si dadban u leeyihiin 5ta sano ee mudo xileedka madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo ka soo jeeda magaalada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegay inay marka xilkiisu dhamaado aysan doorasha ka dhacayn Puntland ayna tahay KALTANKA reerkooda.

Ganacsade Jaamac dhagadheer oo arintaas ka hadlaya ayaa yiri ”Nimankiina golaha deegaanka oo degmada Garowow Axmed Bare iyo ku xigeenkiisa idinkaa iska sare mariyey, hadana shaqaa socota, shuushuudana waxaa la yiri waxbaa ka jir jira,  idinkaa iska sare mariyee ku khasbanaada oo sida …. Horumarka wadanku ha socdo shuushuu ma jirto horumar baanu ku soconaa Garowe waa socotaa waa dhaqaaqday, 5taas sano oo hadda socotana aan ka faa’iidaysano, 5ta dambena reer Garowe ayaa leh.. inkastoo Xisbiyo la sheegayo, Xisbi qorimaynee (diidnaye) 5ta dambena waa leenahaye …”

Goobta uu hadalkan ka yiri Ganacsade Dhagadheer ayaa waxaa fadhiyey madax badan oo beeshiisa ah oo ay ku jiray wasiirka Cadaaladda.

MAGAACIDA DENI EE GUDDIGA DOORAHADA

Arintani waxay banaanka soo dhigaysaa inuusan Deni d oonayn inuu Puntland ka qabto doorasho marka mudo xileedkiisu dhamaado isagoo sidaas heshiis kula galay kooxda AARAN JAAN ee mulkiilaha ka ah dawladiis, uuna magacaabitaankii guddiga doorasha ku qaldayey shacabka Puntland iyo Beesha Caalamka oo uu dhaqaale kaga doonayo.

Riwaayadii doorashada ee ay aaran Jaan u soo dhiibtay wasiirka Arimaha gudaha Maxamed C/raxmaan Dhabancad iyadoo awlba dadka falaqeeya arimaha Puntland ay sheegeen inay tahay ”qawda maqashii oo waxba ha u qaban” waxay u egtahay inay durba fashilantay.

Hoos ka daawo anacsade Jaamac Dhagadheer oo caddeeyey inaysan Puntland ka dhici doonin doorasho markuu dhamaado xiliga Deni, wasiiro iyo madax kale hortooda

Puntlandes.com

About The Author