Kulankii Wasiirada DFS iyo Madaxweynaha Puntland oo natiijo la’aan ku dhamaaday

09 Okt  2019 (Puntlandes) Wararka laga helayo magaalada Bosaso ayaa sheegaya in natiijo la’aan uu ku soo dhamaaday kulan saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni.

Wasiiradan oo uu hoggaaminayay Axmed Ciise Cawad ayaa shalay gelinkii dambe gaaray magaalada Bosaso, iyagoo u socday sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wasiiradan ay ka dalbadeen Madaxweyne Deni in uusan ka qeyb galin caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo dowladda Federaalka ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Saciid Deni uu u sheegay Wasiirada in mar walba ay Puntland diyaar u tahay wada hadal, isla markaana ay doonayaan in la fuliyo wixii horay lagu wada heshiiyay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynaha Puntland Saciid Deni uu u sheegay wafdiga Wasiirada inuu ka qeyb geli doono caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Wasiirada ka socday Xukuumadda ee ka soo jeeda Puntland ayaa ku guuldareystay qorshaha ay u socdeen, waxaana la filayaa in maanta ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Wakiilada Beesha Caalamka ee ka qeyb galay shirkii todobaadkii hore lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay xaliso khilaafka u dhaxeeya iyaga iyo Maamul Goboleedyada, si loo gaaro siyaasad loo dhan yahay oo ku saleysan wada shaqeyn iyo  degenaansho siyaasadeed.

Puntlandes.com

About The Author