Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Addis Ababa

10 Okt  2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi iyo hogaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoonka diyaaradaha Bole ee Magalada Addis-Ababa waxaa kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeybgalaya kulanka Shir Madaxeedka wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan, Kenya iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan iyo madax kale.

Puntlandes.com

About The Author