Sawirro: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhoweeyey Kismayo (muuqaal)

Kismaayo, October, 10, 2019 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyey magaaladda Kismaayo ee xarunta ku-meelgaarka ah ee Jubbaland.

Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeyb-gelaya Caleema-saarka Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Xildhibaan Sahro Qoorsheel, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Siyaasiyiin hore xilal uga soo qabtay Puntland iyo Soomaaliya, Dhaqan, Ganacsato iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa soo dhoweyn Hab-maamuuskeedu sareeyo u sameeyay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, kadibna waxaa uu Madaxweynuhu u gudbay dhinaca shacabka oo boqolaal dad ah isugu soo baxeen Soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kusoo dhoweeyay Kismaayo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdigiisa, wuxuuna uga mahadceliyey imaanshaha Madaxweyne Deni iyo ka qeyb-galka Xafladda Caleema Saarka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu Jubbaland Dowlad iyo Shacabba uga mahadceliyey sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa:

“Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soodhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba, Waxaan rajeynaynaa hadii illaahay idmo muddada aan joogno in arrimaha muddadii u danbeysay Jubaland ka jiray aan wax ka galno hadii illaahay idmo” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

 



Puntlandes.com

About The Author