Madaxweyne Farmaajo oo digreeto ku magacaabay Taliye kuxigeenka Xoogga iyo Taliyaha Ciidamada Lugta

10 Okt  2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa digreeto uu soo saaray ku magacaabay Taliye kuxigeenka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Taliyaha Ciidamada Lugta.

Digreetada ayaa waxaa lagu magacaabay Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise oo noqonaya Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale waxaa Taliyaha Ciidamada Lugta loo magacaabay Sareeyye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir.

Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka Mr Bariise oo ah nin dhalinyaro ah aqoonyahan ah, waxaa lagu tilmaamaa nin karti leh oo howlaha ciidankana aad ugu firfircoon, waxaa uu tababaro ku soo qaatay dalka dibaddiisa, isla markaana dalal dhowr ah ku soo bartay aqoonta Ciidanka, waxaana meelihii uu tababarka iyo aqoon kororsiga xaga ciidanka u tagay ka mid ah dalka Mareykanka.

Magacaabidan ayaa waxay dhameystir u tahay qaab dhismeedka hoggaanka Ciidanka xoogga dalka, tan iyo markii is bedel lagu sameeyay bishii Agosto, isla markaana loo magacaabay Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge.

Tallaabadan ayaa ka dhigan in hoggaanka Ciidamada Xoogga dalka loo dhiibay Saraakiil dhalinyaro ah oo aqoon u leh howlaha ciidanka, isla markaana tababaro dibadda iyo aqoon kororsi soo qaatay.

Puntlandes.com

About The Author