Bosaso: Dawladda Puntland oo Xabsi u taxaabtay Muuse Cali Jaamac

13 Okt  2019 (Puntlandes) Waxaa saaka ay xukuumadda Puntland xirtay Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah waxgaradka magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. iadoo lagu xiray saldhiga bartamaha magalada Bosaso,

Muuse wuxuu ka mid ahaa waxgarad ka hor yimid xukuumadda isagoo ahaa ninkii akhriyey bayaan auy soo saareen, halkan ka daawo,

Waxaa kaloo shalay isna la xidhay mid ka mid ah odayaasha nabadoonada gobolka Bari Saleebaan Muumin Cali oo isna ka mid ahaa odayashii diiday imaraadka carabta in lagu wareejiyo dekadda, garoonka diyaaradaha iyo xarumaha ummada leedahay.

Dawladda Deni ayaa waxay ku shaqaysaa waxa kaliya ee ay Aaran Jaan tawqaan oo ah caburin, dil, cagajuglayn iyo barakicin, mana lahan haba yaraatee wax dulqaada ah.

Puntlandes.com

About The Author