Sawirro: Dr Gaas oo ku soo bandhigay Buug magaalada Gothenburg ee dalka Sweden

13 Okt  2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay ku soo bandhigay magaalada Gothenburg ee dalka Sweden Buugii uu qoray ee “A Challanging transition in Somalia”

Munaasabadda lagu soo bandhigayey Buugga oo si heer sare ah loosoo agaasimay ayna soo qaban qaabisay Shabeelle Bookshop ayaa waxaa kasoo qayb galay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid magaalada Gothenburg iyo magaalooyin  kale oo ka mid ah dalka Sweden.

Buugga oo ka kooban 10 cutub ayaa waxa uu xambaarsan yahay xoggo badan oo ku saabsan Soomaaliya marlkii xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa Dr Gaas ay Soomaaliya ka saaraysay ku meelgaarka.

Shacabkii Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay munaasabadda bandhiga buuugga ayaa si xoogan u gatay buugga iyadoo la dhameeyey waqti yar boqolaal buug.

Dr Gaas oo munaasabadda khudbad dheer ka jeediyey ayaa faaäiidada ku jirta akhrinta iyo qoraalka buugaagta, isagoo xusay madaxdii ka horaysay ee qarrtay buugaagta oo uu dambeeyey AUN madaxweyne C/laahi Yuusuf, wuxuuna hoosta ka xariiqay in buugaagtu yihiin dhaxalka jiilka dambe.

Dr Gaas ayaa intaas ku diiray in buuggiisan uusan wax uga sheegin shaqsi, beel ama gobol laakiin uu wax ka qoray wixii dhacayey iyo sida uu isagu u arkayey si ka diwana loo arki karo.

Buugga ayaad waxaad ka iibsan kartaa linkigaan hose:

https://www.amazon.com/dp/1569025169/ref=cm_sw_r_fa_awdo_t1_Hv5GDb5Z8D8CX?fbclid=IwAR0PFuNOjkaxa4Qruhz0jSswO8X1OweBiwWJOc-PUTuO_ZDqGBEU4JrayA0 

Puntlandes.com

About The Author