Guddoomiye ku xigeenkii Amniga gobolka Sh/dhexe oo lagu diley Jowhar

13 Okt  2019 (Puntlandes) Magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa waxaa  weerar bambaano lagu qaaday gurii uu ka degenaa magaalada guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Muxumad Sugaal Cismaan.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintey Allaha unaxariistee Muxumad Sugaal Cismaan  oo ahaa gudoomiye ku xigeenkii dhanka amniga maamulka gobolka Sh/dhexe iyo wiil uu dhalay.

Lama oga illaa hadda qaraxa waxa uu ahaa iyo weliba ciddii ka dambeysay,waxana guriga uu qaraxu ka dhacay booqday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo kan gobolka Sh.dhexe, wuxuuna noqonayaa guddoomiye ku xigeenkii labaad ee maamulka gobolka Sh/dhexe oo lagu diley weerar muddo bil gudaheed ah.

Puntlandes.com

About The Author