AARAN JAAN OO LABO CANLAYNAYSA, DAN IYO HEELANA AAN KA LAHAYN PUNTLAND!!!

Puntland waxaa lagu yaqiinay ummad dhawrsan, siyaasadana u bisil, dhawrtana wadajirka iyo kalan dambaynta. Waayadaan waxaa Puntland xoog ku yeeshay kooxda xagjirka ah ee AARAN JAAN, iyadoo garwadeen ka ah dawlada iminka ka talisa Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Siciid C/laahi Deni.

Wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Aimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad ayaa todobaadkii hore gaaray magaalada Bosaso oo markaas uu ku sugnaa madaxweynaha Deni, iyadoo ay Villa Somalia u dirtay inay ka baajiyaan safar u qorshaysnaa inuu Kismayo ku tago si uu uga qayb galo caleemasaarka Axmed Madoobe.

Deni ayaa ku gacansayray fariintii ay wadeen wasiiradu kana diiday inuu ka baaqdo safarka.

Intaas ka dib waxaa soo shaac baxay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo uu soo abaabulay Xildhibaan Cali Xoosh oo ka mid ah madaxda Aaran jaan, kuwaas oo taageerayey aaraada guracan ee ay wadato dawladda Federaalka oo lagu bur-burinayo jiritaanka Puntland, iyadoo la adeegsanayo deeqihii ay Beesha Caalamku ugu talo gashay caawimaada dadka tabaalaysan  ee Soomaaliyeed.

Kooxda AARAN JAAN oo ku caan baxday inay dandooda HORORNIMO wax walba ka hormariyaan ayaa hadda xididadooda ku faafinaya xafiisyada ay taladu ka go’do ee Puntland iyo tan Federaalkaba.

Kooxda AARAN JAAN ujeedada ay leedahay waa dhana ha seegin laakiin waxay Puntland ku wadaan wado u horseedi karta bur-bur iyo cawaaqib xumo.

AARAN JAAN damacoodu waxaa weeye Puntland na inay Garowe ka maamulaan, lacagta dawladda Fedeeraalka ka imaanaysa ee la doonayo in lagu bur-burinayo jiritaanka Puntland ay shabakad u dhigtaan.

Carabtu waxay ku tiraahdaa ”Ninkii labo Faras  isla wuxuu halis u yahay inuu Duburku kala dilaaco”

Nasabnimadu waxay ina faraysaa ”baahi baa baa i haysa Bakhtiga looma cuno”.

Waxaase iswaydiin leh AARAN JAAN ma baahan yihiin mise calooshaa wax u celin wayday??????????

 

Puntlandes.com

About The Author