Sawirro: Wafuudii ka qeyb gashay caleemasaarkii Axmed Madoobe oo martiqaad loogu sameeyay duleedka Kismayo

14 Okt  2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa maanta duleedka Kismayo waxaa uu martiqaad ugu sameeyay wafuudii ka qeyb gashay caleemasaarkiisa.

Wafuudan ayaa isugu jiray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, Madaxweynayaashi hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare Madaxweynayaashi hore ee Galmudug iyo KGS iyo mirto sharaf kale.

Martiqaadkan ayaa ahaa mid mahadnaq iyo boggaadin isugu jiray oo ku saabsan qaabkii ay ugu soo qeyb galeen caleema saarki wafuudii kala duwaneyd.

Dhinaca kale waxaa caawa lagu wadaa in magaalada Kismayo ka dhacdo Xaflad lagu sagootinayo wafuudii ka qeyb gashay caleema saarka, iyadoo wixii beri ka dambeeya ay wafuuda ka ambabixi doonaan magaalada Kismayo.

Puntlandes.com

About The Author