Sawirro: Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo muqdisho kula kulmay Xaaf

15 Okt  2019 (Puntlandes) Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka ayaa galabta kulan kula qaatay magaaladda muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Galmudug.

Ujeedka kulanka ayuu guddigu ku sheegay inay madaxweyne Xaaf iyo golihiisa wasiirada iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda Galmudug ka dhagaysteen talo aruurin la xariiro sharciga doorashooyinka Qaranka ee ay dawladda Fedraalku u xilsaartay.

Madaxweyne Xaaf ayaa marka hore soo dhaweeyay Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka, isagoona uga mahadceliyay juhdiga iyo waqtiga ay ku bixinayaan sharciga doorashooyinka qaranka ee soo diyaarintiisa uu guddigaan KMG ah uu gacanta ku haayo.

 


Puntlandes.com

About The Author