Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Agoonsiga ka Guddoomay Danjireyaasha Dalalka Sweden iyo Talyaaniga

16 Okt  2019 (Puntlandes)  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Dalalka Talyaaniga iyo Sweden ee Soomaaliya.

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf, ayaa tilmaamay in dadaal uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka Labada Dal, isaga oo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee Dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala Dalka Soomaaliya.

Vecchi, ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa Dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in Dalkiisu ay saaxiib dhow la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye Labada Dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya Dalalka Caalamka.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo Magacaabay, wuxuuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku Garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.


Puntlandes.com

About The Author