Taliyaal cusub oo loo magacaabay ciidamada booliska gobolka Banaadir

16 Okt  2019 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Xijaar ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah taliyaasha ciidamada Booliska gobolka Banaadir, iyadoo uu saraakiil u magacaaay xilal sare halka kuwa kalana xilalkii laga qaaday.

Xilalka uu taliyuhu magaabay ayaa kala ah:

  1. Cabdifitaax Mire oo hore u ahaa taliyaha Saldhigga Wilyow Cadde ayuu u magacaabay Lataliyaha sare Taliyaha ciidanka booliiska
  2. Yaasiin Nuur Kheyre Ganey ayuu u magacaabay Taliyaha Saldhiga Booliska Dharkiinley
  3. Gaashaanle Mahad Cabdi Xakiin Cumar ( Mahad Korow) ayuu u magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Waliyow Cadde.
  4. Yuusuf Hundubay oo horay u ahaa taliyaha Saldhig Galbeed ayuu u magacaabay Taliyaha Birmadka ciidanka boliiska
  5. Gaashanle sare Cabdulaahi Mire Siyaad ayuu u magacaabay Taliyaha Daraawiishta boliiska
  6. Maxamuud xuseen ayuu u magacaabay Taliyaha qaybta Galbeed
  7. Cabdirashiid Aadan Xirsi ayuu u magacaabay Taliyaha Laanta socotada cidanka boliiska

Taliyaasha saldhigyada iyo qeybaha gobolka Banaadir ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay waxaa lagu sameynayay isku shaandheyn iyo xilka qaadis lagu sameynayay.

Puntlandes.com

About The Author