MAXAAD KALA SOCOTAA MUSUQMAASUQA KA JIRA WASAARADA C/MAADKA PUNTLAND?

27 Okt 2019 (Puntlandes) Sidii ay horay u baahisay Warbaahinta Puntlandes Wasiirka wasaarada caafimaadka Jaamac Faarax Xasan wuxuu xafiiska u joogaa magac u yaal ahaan ee wasaarada waxaa si rasmi ah u maamula wasiirka Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, isagoo noqonaya wasiirkii Puntland ugu horeeyey ee isku maamula labo wasaaradood, waxaana isagoo maaliyadda jooga lacag laga siiyaa Caafimaadka.

Warbaahinta Puntlandes ayaa baaritaan ay samaysay ku ogaatay in wasaaradda Caafimaadku ay tahay shirkad qoys leeyahay ee aysan ahayn wasaarad shacabka reer Puntland leeyihiin una adeegta.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirsaaq Xirsi, xaaskisa nimco wuxuu wasaarada uga dhiibay xilkan program manager WASH.

Agaasimaha waaxda Qorshayta ee wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Dheere oo isla markaasna ah xildhibaanka tirsan golaha Wakiilada Puntland isna xaaskiisa mid ka mid ah waxaa loo dhiibay xil culus oo ah programka manager Human resource for health, sida ay baaritaaanka ku ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in shaqsiyaadka kale ee meesha u shidan tahay oo musuqmaasuqa ay kala yihiin:

Cali Dhuux oo ah agaasime waaxeedka Publich Health, xilkan oo aad muhiim u ah waxaa hoos yimaada Program managers badan uu ka mid yahay Malaria, HIV AID, iyo TB.

Programka TB waxaa haysta Dr Cali Xassan waxay walaalo yihiin xilkana u dhiibay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaq Xirsi.

Cabdirisaaq Garwayne isna waa Agaasime waxeed wuxuu haystaa Primary Health Care waxaana hoos yimaada oo uu maamulaa talaalka iyo MCH hooyada iyo dhalaalka, hanti badan ayuu ka samaystay wuxuuna ganacsi ku leeyahay dalka Zambia.

 

Maamulxumo ayaa musuqmaasuqa u dheer wasaaradda

Waxaa jira maamul xumo aad u baahsan maamulka daawada ayaana ka mid ah meelaha ay jirto.

Daawada deeqda loo keeno looma maareeyo sida saxda ah, waxaana la gaystaa Cissbitaalka Carafaat iyo sixa ay leeyihin qolyhaan musuqmaasuqa wasaaradda sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes.

Dhaqaalaha Daawada (Fanka) wuxuu ka imaan jiray Global Fund UNICEF ayadana waa is taagtay musuqmaasuq baahsan dartiis, waxaana maamula qaybta supply daawada nin la yiraahdo Cabdifitaax oo aan waxba kala socon habka ay wax u maamulaan qolayaha wasaarada maamushaa.

 

Bakhaaradii Daawada oo wasiirka Maaliyaddu u isticmaalay…

Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire ayaa wuxuu kunturaad ku qaatay inuu Ciidanka cusub ee ay dawladda Puntland xaraysay oo tababarku u socdo u keeno qalab Milateri oo ay ka mid yihiin Tuutaha iyo Kabaha Ciidan iyo dhamaan wixii Logistik ah oo ay u baahan yihiin ciidanku.

Wasiirka ayaa Bakhaaradii wasaarada Caafimaadka ee daawada in lagu kaydiyo loogu talogalay oo iminka ah kuwo maran ama haawana wuxuu ka dhigay bakhaaro uu ku kaydsado Tuutaha, Kabaha iyo agabka kale ee Ciidanka oo uu dibadda ka keenay.

 

Machine-nada dailysis

Machine-nada dailysis ee loogu loogu deeqay Cisbitaalka Gaalkacyo waxaa hysta oo xaraysty agaasimaha guud ee wasaaradda Cabdirisaaq Xirsi.

Arinka machine dailysis cabashadiisu way gaartay madaxwyne Deni, waana looga dacwooday sida ay ogaatay Warbaahinta Puntlandes waxna ilaa hadda kama qaban madaxweynuhu arinkaas.

 

Bad-baadinta wasaarada iyo hantida shacabka

Shaqsiyaadkan wasaaradda ama hantidii ummadda musuqmaasuqaa waxay meesha joogeen 10sano ka badan, waana maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd ”baadi kugu raagtay xoolahaaga ayaad moodaa” waxay u qaateen inay iyagu leeyihiin, iyagoo siday doonaan u qaata balaayiin doolar oo Beesha caalmku ugu deeqdo shacabka reer Puntland ee u baahan.

Wasaaradda Caafimaadku way dhiigbaxaysaa waxayna la ooyeysaa in madaxweynaha dawladda Puntland Siciid cabdulaahi Deni noqdo BAD-BAADIYE oo ka bad-baadiyo shaqsiyaadkan dhiigmiiratada ah oo musuqmaasuqay hantidii shacabka kana baylihiyey adeegii ay u baahnaayeen shacabka reer Puntland.

 

La soco Toosha wareega ee Warbaahinta Puntlandes, oo qormada dambe dul saaran Agaasime …..

Puntlandes.com

About The Author