Golaha Ammaanka oo u digniin adag u jeediyay dowlada Soomaaliya

28 Okt 2019 (Puntlandes) Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa Soomaaliya ugu goodiyey in ka fiirsan doonaan dhaqaalaha badan ee Beesha caalamku siiso oo ku taageero Ammaanka Soomaaliya, haddii aanay la shaqeyn Guddiga Khubarada Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Golaha Amaanka ee QM ayaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya ee xiligan taagan. Dalalka Maraykanka, Germany iyo France ayaa waxay ugu baaqeen  madaxda Soomaaliya in la shaqeeyaan Guddiga  una  ogolaadaan in dalka tagaan oo howlahooda qabsadaan waxaana ay tilmameen in aysan madaxda soomaaliya ka aqbalayn in u soo diraan amaro iyo shuruudo cusub oo ay warqad ku soo qoreen.

Golaha ayaa waxa uu ugu horeyn dhageystey warbixin ku saabsaneyd Soomaaliya oo uu soo gudbiyey safiirka Belgium u fadhiya QM Marc Pecsteen, oo warbixintiisa ay taabatey dhinacyo badan.

Qodobada uu ka hadley waxaa ka mid ahaa waxqabadka muhiimka ah ee gudiga xeel-dheerayaasha la socda cunaqabateynta Soomaaliya oo uu goluhu sameeyey.

Pecsteen ayaa xusey in waxyaabaha ay guddigu la socodkooda ay guulahana ka gaareen ay ka mid tahay hoos u dhigista dhoofinta dhuxusha iyo la socodka hubka si uusan u gelin gacanta kooxda Alshabaab.

Puntlandes.com

About The Author