Ahlusuna oo Dhuusamareeb kaga hartay Xerada Inji ee duleedka magaalada.

Filed under: Wararka maanta |

03 Nov 2019 (Puntlandes) Ciidamadii Ahlusuna ayaa isaga baxay xaruntii degmada oo ahayd xarunta ugu weyn ee ay ciidamada Ahlusuna kaga sugnaayeen magaalada Dhuusamareeb, waxaana markiiba la wareegen Ciidanka DFS.

Inkastoo xaaladu dagantahay hadana waxaa laga cabsi qabaa isku dhacyo labada dhinac ah maadaama ay wali Ahlusuna ku sugan yihiin Dhuusamareeb lana dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Dhamaan ciidankii Ahlusuna ayaa la sheeagay in ay iskugu uruursanayaan xarunta INJI oo uu degan yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ka mid ah Hoggaanka sare ee Ahlusuna.

24 kii saac ee la soo dhaafay ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay Ahlusuna kala wareegeen maamulka degmooyinka Guricel iyo Matabaan meelahaas oo sanadihii ugu danbeeyay ku jiray gacanta Ahlusuna.

Puntlandes.com