Daawo Wasiir Sabriye oo Ahlusuna ku eedeeyey taayada ha la qaato ama Galmudug baan carqaladaynaynaa

03 Nov 2019 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo xalay ka hadlayay magaalada Guriceel ayaa sheegay in sida ay haatan wax u wadaan Ahlusuna aanay ka turjumeyn arrimihii masiiriga ahaa ee go’aanka laga gaaray.

“Waxa aan arkeyno maanta ma ahan Ahlusuna sidii aan ku soo wada bilownay, kama turjumeyso arrimihiisa masiiriga ahaa ee aan go’aanka ka gaarnay, Umadda Galmudug u sheegnay, waa dib u noqosho Dhaqanka Ahlusuna ka muuqdo waa dib u noqosho, waxaa leenahay walaalaheena ha bariiqanina jid fiican ayaa ku taagneyn, ha sababina idinkoo mid yar idin gaar ah meel ciriiri ah ku jirta labadaan farood ku raadinaya in aad Galmudug fashilisaan”ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ayaa ku soo aaday iyadoo saacadihii la soo dhaafay ay dawladda Federaalku Ahlusuna kala wareegtay gacan ku haynta degmooyinka Matabaan iyo Guriceel.


Puntlandes.com

About The Author