Taliska Booliska Soomaaliyeed oo Taliye u magacaabay degmada Guriceel

04 Nov 2019 (Puntlandes) Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa markii u horeysay Taliye cusub u magacaabay Saldhigga Booliska degmada Guriceel, maalin kaddib markii Ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen ammaanka degmadaas.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay Saldhigga Booliska Guriceel ayaa lagu magacaabaa Zakariye Cabdi Cali, waxaana Taliyaha iyo ciidan uu horkacayay ay shalay si rasmi ah ula wareegeen amniga Saldhigga Booliska.

Degmada Guriceel ayaa waxaa horay gacanta ugu hayay Ahlusuna, waxaana inta badan ciidankeeda ay ku biireen kuwa dowladda Soomaaliya, hase ahaatee ciidan kooban ayaa ugu sugnaa degmada, kuwaasoo habeen hore ay is rasaaseyn dhex martay ciidan kale oo ka tirsan dowladda.

Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid degan, iyadoo amnigeeda ay gacanta ugu hayaan Ciidanka Danab ee xoogga dalka iyo Ciidamada Booliska oo la arkayay iyagoo dhex galaya shacabka.

Puntlandes.com

About The Author