Ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska gaarka u tababaran oo saaka ka degay Dhuusamareeb

04 Nov 2019 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo hor leh oo ka tirsan Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramacad waxay saaka geysay magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo diyaarado looga qaaday Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa ku biiraya ciidamadii horay u joogay magaaladaas ee isugu jiray Booliska gaarka u tababaran ee Haramcad iyo Ciidanka DANAB ee ka tirsan xoogga dalka.

Todobaad ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale diyaarado siday Ciidamo iyo saanad milateri ay ka dageen magaalada Dhuusamareeb, kuwaasoo la sheegay in ujeedkooda ahaa ka qeyb qaadashada howlaha sugida amniga magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadan ay yihiin kuwo xoojin ah oo ka qeyb qaadanaya ammaanka guud ee magaalada Dhuusamareeb iyo deegaanada kale ee gacan ku heyntooda lagala wareegay Ahlusuna.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka jiray magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel dhaq dhaqaaqo ciidan oo is fidin ay wadeen ciidanka dowladda, taasoo u muuqatay wiiqida awooddii ciidan ee Ahlusuna.

Xaalada magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa ah mid degan, waxaana weli magaalooyinkaas ku jirtaa xaalad kala guur ah oo Ciidamada dowladda Soomaaliya si guud ah gacan ku heynteeda ula wareegeen.

Puntlandes.com

About The Author