Mooshinka lagu ridayo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo socda Garowe

05 Nov 2019 (Puntlandes) Magaalada Garowe ayaa waxaa si xawli ah uga socda saxiixa Mooshin ka dhan ah gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-Daareed, waxaana wada Madaxtooyada Puntland iyo kooxda ku milan ee Aaran Jaan, waxaana saxiixiisu hadda ka socda inta badan Hotelada iyo Xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaanada taabacsan Madaxtooyada Puntland ayaa ku jira dagaalkii u dambeeyey oo ay ku doonayaan in ay xilka uga qaadaan Gudoomiyaha baarlamaanka aalinta Khamiista ee soo socota, iyagoo caawa dhameystiro saxiixa mooshinka.

Sida ay ogaatay Warbaahinta Puntland waxaa Mooshinka maamulaya Maxamuud Shido oo ah ah horjoogaha kooxda aaran iyo wasiirka Maaliyada ee Puntland Xasan Shire Abgaal oo isna ka tirsan kooxdaas.

Maxamuud Shido oo safar ugu mawqnaa delka Kenya ayaa Garowe ku soo laabtay shalay wuxuuna ilo lagu kalsoon yahay u sheegay markuu ka soo safrayey Nairobi inuu u socdo sidii uu u ridi lahaa gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhooba-Daareed oo la jaanqaadi waayey ama u dhago nuglaan waayey kooxdiisa Aaran Jaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in saxiixa lagu siinayo xildhibaankii saxiixa lacag, halkaa lacag kale iyo balan-qaadyo siyaasadeedeed loo samaynayo xildhibaanada.

Puntlandes.com

About The Author