Muuqaal Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo xilka laga qaaday

07 Nov 2019 (Puntlandes) Maanta oo Tariikhdu tahay 07-11-2019,Kalfadhiga 45aad Fadhigiisa 10aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo uu Shir Gudoominaayey Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan ayaa waxaa la hor keenay Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdixakiin Maxamed Axmed.

Guddoomiyuha cod geliyey Mooshinka waxaa u codaysay in xilka laga qaado 49 Mudane waxaana ka amuusay 4 Mudane, Waxana Guddoomiye Cabdicasiis ku dhawaaqay in uu fulay Mooshinkaasu Wuxuuna Magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka kooban 7 Xildhibaan oo ay kaalinayaan Xoghayaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka Golaha, Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Aya loo asteeyey inay qabsoonto 14 Bishan Hadii Alle Idmo.

Akhriso Magacaabay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Daawo muuqaalka Mooshinkii Xil ka Qaadista Gudoonka Barlamanka Puntland Dhoobo

Puntlandes.com

About The Author