Sawirro: Dhoobo oo Gaaray Gobolka Sanaag

09 Nov 2019 (Puntlandes) Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland Cabdixakiim Dhoobo Daareed oo xubnaha barlamaanka Puntland ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen ayaa gaaray gobolka Sanaag.

Dhoobo ayaa lagu soo dhaweeyay degmada Xingalool ee gobolka Sanaag, halkaasi oo uu kula kulmay odoyaasha degaaanka iyo shacabka magaalada.

Weli kama hadlin ujeedka safarkiisa uu ugu baxay gobolka Sanaag iyo tirada maalmaha uu halkaasi uu ku sugnaan doono iyo inuu dib ugu soo laban donna caasimaadda Puntland ee Garowe.

Dhoobo Daareed waxaa uu sharci darro ku tilmaamay go’aankii Xildhibaanada barlamaanka Puntland ay Xilka uga qaadeen isagoo sheegay in go’aankiisa ahaa mid aan dastuur ahayn.

6dii bishop September ayaa Ciidamada Amanda Puntland waxay weerareen xarunta Barlamaanka Puntland oo ay joogeen ciidamo ka amar qaadanayay guddoomiye Dhoobo Daareed, Weerarkaasi waxaa ku dhintay 3 qof.

Dhinaca kale, Magaaladda Garoowe waxaa weli ku sugan Suldaanka guud ee beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Cuqaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag.


Puntlandes.com

About The Author