Aaran Jaan oo Wasiiradda & Xildhibaanada Puntland mushaarka u kordhinaysa, imisa?

10 Nov 2019 (Puntlandes) Xog aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay xaqiijinayna ayaa waxay in mushaarka loo kordhinayo Xildhibaanada iyo wasiiradda Puntland.

Kordhintaan ah tii ugu sareysay oo laga sameeyo Puntland intii ay jirtay, waxayna ku jirta Miisaaniyadda sanadka soo socda oo Baarlamaanka Puntland dhawaan ansixinayo, iyadoo ka bilaabanaysa janaayo 2020 .

Mushaarka wasiirada ee xukuumadda Siciid Deni ayaa waxay iminka tahay 1000$, waxaa loo kordhinayaa lacag dhan 3000kun oo dollar, taas oo ka dhigan in la kordhiyey 200%, iyadoo loo kordhiyey 2000$ taas oo ah lacag aad u faro badan.

Mushahaarka iyo gunadda Xildhibaanada Puntland ayaa horay u ahayd 1400, waxa iminka loo dhinayaa 2500$, iyadoo loo kordhiyey 1100$ oo u dhiganta koror ah 79%.

Mushaar kordhintaan aan horay u dhicin ayaa waxa gadaal ka riixaysa Kooxda mulkiilaha ah dawladda Deni ee AARAN JAAN, iyadoo qorsheedu yahay inay iska seexiso wasiirada iypo xildhibaanada, si dalka u beeciso wixii u gadmi karana u gado.

Golaha wasiiradda Siciid Deni oo ka kooban 57 markii loo kordhiyo 2000 waxay noqonaysaa kororku 114.000$ bishii, halka xildhibaanada oo 66 ah oo loo kordhiyey 1100$ ay noqonayso 73.000$ bishii.

Puntland oo dhaqaale xumi la tacaalaysay bixina la’ mushahaarka Ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ayaa waxay noqonaysaa mushaar kordhintaani lacag ku dhow 190.000$ bil walba taas oo u dhiganta koror qarash oo ah 2.250.000$ sanad walba.

Waxaa su’aal ah ma qaadi kartaa Puntland lacagtaas ku dhow labo milyan iyo sadex boqol oo kun oo doolaar oo ku soo korartay qarashaadka ay tahay in Puntland boixiso, mase laga fekeray inay Puntland qaadi karto?

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wasiirkiisa Maaliyadda ayaa marar badan ku dooday inay dhaqaale yari jirto Puntland aysana isku dheelitirmnayna Qarashaka iyo Dakhliga, laakiin xaggee ka keenayaan kordhintaan aadka u baaxadda wayn?

Puntlandes.com

 

About The Author