Daawo Video: Waare sheegay inay diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee ka degtay Beledweyne la xisaabtami doonaan

10 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee ka degtay Beledweyne ay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada iyo shuruucda, waxaa uu sheegay inay la xisaabtami doonaan shirkadda leh.

Madaxweyne Waare ayaa yiri “Xalay 8 saac iyo bar habeenimo ayaa waxaa isoo wacay maxaweyne kuxigeenka HirShabeelle oo ii sheegay wafdigaasi inuu Beledweyne ku soo wajahan yahay, maadaama uu isagu hadda Beledweyne jooga oo anigana hadda xamar aan joogo, wuxuuna ii sheegay in Roobabkii ilaa xalay Da’ayey.. haddii aysan dhibaato xoog leh aysan gaarsiin  in aniga iyo Ra’iisul Wasaaraha aanu usoo socono”

Waare ayaa sheegay in saaka loo sheegay in garoonka aysan diyaaraduhu ku dagi Karin oo ku “sambiriirixoonayaan”, uuna ku wargeliyey wafdiga Madaxweynayaashii hore.

Waare ayaa yiri “Xasan Sheekjh ayaan saaka wacay..wuxuuna si kulul ii yiri adiga madaxweyne ayaad tahaye maxaa duulimaadka diyaaradaha, (civil aviation), kaa galay?”

Waxaa uu intaa ku daray in diyaaradda ay sameysay xadgudub oo xitaa ay ka jawaabi weyday raadaarka, taasna ay walwal badan gelisay, duuliyaha uu sameeyay qalad weyn.

Madaxweyne Waare ayaa yri “Go’aanka diyaaradaha dhulka duuliyaha ma lahan waxa is la keh hey’adaha u xil saaran oo ka warami karo, shirkada leh diyaaradaas waxay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada waqtigeeda kala xaali doonaan waana la xisaabtami doonaa”


Puntlandes.com

About The Author