Ra’iisul Wasaare Khayre oo u ambabaxay magaalada Paris ee dalka Faransiiska

10 Nov 2019 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen magaalada Paris ee dalka Fariinsiiska.

Wafdiga uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tiknoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

Mudada uu ku sugan yahay dalka Faransiiska  Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb-galeysa shirkaas.

Puntlandes.com

About The Author