Daawo Video: Sheekh Shariif oo sheegay inay ka bixinayaan Muqdisho madaxda DFS haddii aysan joojin hab dhaqankooda

10 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay xanibaadihii maanta lagu saaray garoomada Muqdisho iyo Beledweyn, xili ay gargaar u sideen dadka Fatahaaduhu saameeyeen.

Sheekh Shariif ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay hoygiisa Muqdisho, kaddib markii uu ka soo laabtay Beledweyn waxaa uu sheegay in xaalado adag ay soo martau Muqdisho sida waqtigii ay Burcada hubeysan heysan jireen, xiligii Itoobiyaanka iyo waqti ay halkaasi maamulayeen Shabaab balse looga saaray dagaal adag oo lala galay, sida uu yiri.

Waxa uu Shariifka sheegay in dowladda haatan talada dalka heysa aysan waxba uga duwaneyn kuwii lala dagaalay hadii ay sii wado dulmiga iyo xadgudubka ay wado.

Sheekh Shariif ayaa yiri ”dadkaan wali qoryihii waa haystaa, wali xanuunkii waa hayaa, Cadaalad daradii waa dulsaaran tahay, Albaabadii waa xiran yihiin, jid la mari karo ma jiro, hadaad qof ka ceejiso maxaa ka imaanaya soow inaad iswaydiiso ma ahan maxaa ka imaanaya haddii aad caqli leedahay? Ma runtii waxaa muuqanaysa in qofka caadi ah uu caqligoodu ka hoseeyo”

Sheekh Shariif ayaa ju sii daray “Magaaladaan Mooryaan baa haysan jirtay soow ma ahan, Waa lala dagaalamay oo waa la baxshay, mise waa beentay, Itoobiyaan baa soo galay maxaa lagu sameeyey, waa la baxiyey , Shabaab baa qabsaday, waa laga saaray, Ma ka xoog badan yihiin dadkaan,, Walaahi Thuma Walaahi…. Walaahi Thuma Walaahi, hadaysan joojin waan bixinaynaa”

Si kastaba, Shariifka iyo Xasan Sheekh oo ka wada tirsan Madasha Xisbiyada Qaran waxay Magaalada Baledweyne u tageen, sidii ay gargaar u gaarsiin lahaayeen dadka ay saameeyeen waxyeelada ka dhalatay fatahaadaha, xilli toddobaadkii hore ay iclaamiyeen in laba boqol kun oo dollar, ay ugu talagaleen inay kaga qayb qaataan gurmadka fatahaadaha.


Puntlandes.com

About The Author