Dawao Video: Dowlada Federalka oo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh ugu yeertay in uu ilaaliyo sharciga

10 Nov 2019 (Puntlandes) Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeyn kulul uu maanta uu usoo jeediyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wasiirka Warfaafinta dowlada federalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku tilmaamay hadalada kulul ee ka soo baxay maanta Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuwo la yaab iyo lama filaan ku noqday.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Warka ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.”

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa kana taxadaro waxkasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay Madaxweyne hore.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ayaa ugu baaqay madaxdii hore ee dalka in uu waajib ka saaran yahay midnimada iyo bedqabka dalka.

Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu maanta ka soo laabtay booqasho ay ku tageen isaga iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan madasha xisbiyada waxa uu eedeyn kulul u soo jeediyay dowlada federalka isagoo dhaar ku maray in haddii aysan dowladu isbedelin la eryi doono Muqdisho, halkan ka akhriso kana daawo.

Waxa uu Shariifka sheegay in dowladda haatan talada dalka heysa aysan waxba uga duwaneyn kuwii lala dagaalay ee Muqdisho laga saaray ee kala ahaa Gadaal Oogayaashii, Itoobiyaankii iyo Shabaab, hadii ay sii wado hab dhaqankeedana ay ka saari doonaan.


Puntlandes.com

About The Author