Daawo Video: Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo Shaaciyey Xubnaha U tartamaya Xilka Guddoomiyaha

13 Nov 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle ayaa Maanta Shaaciyey Xubnaha U tartamaya Xilka Guddoomiyaha Xubnahaas oo ah Saddex Xubnood oo Kala ah:

1- Xildhibaan Abwaan Cabdirishiid Yusuf Jibriil.
2- Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar).
3- Xildhibaan Cabdijamaal Cismaan Maxamed.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada sidoo kale waxa uu ka warbixiyey Xaalada Doorashada Halka ay marayso Isagoo sheegay inay U diyaar garoobeen Doorashada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Oo dhici Doonta Malinta Khamista ah ee ku beega 14-Nov-2019.

Puntlandes.com

 

About The Author