Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Garowe

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta gaaray caasimada Puntland ee Garowe, iyagoo Garowe u yimid ka qaybgalka shir looga hadlaayay hannaanka Maaliyadda dalka.

Waftigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garowe loogana hadlayay Hannaanka Maaliyadda dalka, waxaana kusoo dhaweeyay Garowe Wasiir dowlaha Maaliyadda Dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Beyle ayaa la filayaa in maalmaha soo socda in uu ka qeybgalo shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka.

Shirkan waxaa qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare, madaxda Maaliyadda Dawladda Federaalla iyo madaxda Maaliyadda Dawladdaha xubnaha ka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in wasiirika Maaliyadda Puntland Xasan Shire Cabdi oo ku sugan Garowe uusan wasiir Beyle ku soo dhawayn Garowe.


Puntlandes.com

About The Author