Daawo Video: Farmaajo “Siyaasiyiinta qeylinaya Kuligood waa shaqo doon”

14 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dowladdiisa mucaaradka ku ah, isagoo ku eedeeyay in dowladiisa ay lugaha hayaan oo ay idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinayaan.

Isagoo la hadlayay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Nairobi ayuu sheegay Madaxweyne Farmaajo in siyaasiyiinta dowladdiisa ka soo horjeeday ay dhamaantood shaqo doon yihiin.

“Siyaasiyiinta bannaanka taagay ee hor-taagan idaacadaha iyo facebook-yada ka qeylinaya kuligood waa shaqo doon, oo waxay yaqaaneen wixii ay soo dhadhamiyeen maalin walba waxbaa la bedelaa in la abuuro siyaasiyiin cusub oo aan laga faa’ideysan qaar waa aamusan yihiin, qaarna dagaal ku jiraan, oo in lugaha la haayo, hebel waa qeylinayaa ee bal haloo yeero, waa caqabad dad badan ku baraarugsaneyn”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in maamul goboleedyada ay iyana caqabad ku yihiin dowladdiisa, isla markaana raadinaya awooddii gobolada dhexe iyo inay soo dhex maraan dowladaha deriska sida uu yiri.

Puntlandes.com

About The Author