Sawirro: Dugsiga Farsamada Gacanta Bursaalax oo Horumar ku talaabsaday

14 Nov 2019 (Puntlandes) Dugsiga Farsamada Gacanta Ee Bursaalax oo ah Dugsi Soo saaray dufcado Kala duwan Oo Kala ah Korontada , Cilaan Saarka , Computerka ,Harqaanka iyo Tuubeystanimada ayaa Wuxuu Kusoo Kordhiyey Xirfadihi horey Uga bixi jiray Xirfadaha Alxanka iyo Cunta karinta.

 

Dugsigaan oo ay aad Uga faa’idaysteen Bulshada Ku Nool degmada Bursaalax ayaa wuxu Kusoo Kordhiyey Degaanka Xirfadlayaal Kala duwan kuwaas oo Hela shaqo Deg Deg ah kadib Marki ay tababarka qaataan.

 

Waxaa Si Rasmi ah maanta u bilaamay Practical ki Xirfadaha Kala duwan Ee Harqaanka , Cunta Karinta iyo Tuubaystaha iyadoo Dugsiga ay Gacanta Ku Hayso Hayadda Salaam Development Center iyo WFP halkaas oo lagu baro xirfadahaas muhiimka ah, waxaana ka faa’iidaystay dad danyar ah kuwaas oo u baahan Waxbarasho.

 

Hay adda SDC waxay si Joogtaa Dugsiga Uga Caawisaa Barista Xirfadlayaasha Danyarta Cilmiga Xirfadaha Muhimka ah Sidoo kale waxay Agab ay Ku Shaqaystaan Gudoonsiisaa Ardayda Ugu Dhibcaha Sareeya Imtixaanaadka.

 

Wasaradda Waxbarasha iyo Taclinta Sare Ee Puntland oo xaruntaan Soo Booqatay Xilliyo Kala duwan ayaa Ku Bogaadisay Shaqada Ka Socota Xarunta Isla markaana Cadaysay in xaruntaan Istaahisho Poly Technic School Guud ahaan Puntland maadaama ay tahay Xarun Public ah.

Daawo sawirada


Puntalndes.com

About The Author