Sawirro: Gudoomiyaha ONLF oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qabridahare ee DDS

14 Nov 2019 (Puntlandes) Gudoomiyaha ONLF  Dr Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) oo kasoo kicitimay magaalada Godey ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Qabridahare ee DDS

Munaanad si heer sare ah loo soo agaasimay oo soo dhawayn ah oo lagusoo dhawaynayay Gudoomiyaha JWXO (ONLF) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey) iyo waftigiisii ayaa halkaas ka dhacday.

Ugaasyada, Culimada, Hooyooyinka, Dhalinyarada iyo Aqoonyahanka kudhaqan Magaalada Qabridahare oo aan u kala harin soo dhawaynta waftiga ayaa soo buux dhaafiyay goobtii ay ka dhacaysay munaasabadda soo dhawaynta, waxaana gabi ahaanba lasoo xiray ganacsigii suuqa.

Ugaas Maxamed Duulane Ugaas Xaashi oo Xaflada furay kadib waxaa lagusoo dhaweeyay madaxdii wehelisay Gudoomiyaha oo ay kamid ahaayeen, halgame Riyaale Xaamud iyo Drs. Cibaado Xirsi Mahad.

Intaas kadib waxaa sacab iyo sawaxan lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia (JWXO) Dr. Cabdiraxmaan Sh Mahdi (Maadey), wuxuuna gudoomiyuhu siwayn ugu Mahad celiyay dadwaynaha Dagmada Qabridahare oo lagu yaqaano halgan jacayl, isagoo xusay in ay Qabridahare ahayd walina tahay hooyadii halganka.



Puntlandes.com

About The Author