Dowladaha Somalia iyo Kenya oo siyaabo kala duwan uga hadlay Arrinta Dacwadda Badda

14 Nov 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta guriga uu ka dagan yahay Nairobi kulan dheer kula yeeshay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta  oo muddo khilaaf dheer kawada dhaxeeyay.

Kulanka kaddib Labada Madaxweyne oo si wadajir ah shir jaraa’id u wada qabtay ayaa ka hadlay arrimaha Amniga, xiriirka labada dal, ganacsiga iyo dacwadda Badda ,  Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in kulanka galabta ku dhex maray Farmaajo iyo Uhuru, hotelka uu degan yahay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka horeeyay kulan ka dhacay maanta barqadii illaa duhurkii Xarunta Madaxtooyada Kenya.

Arrinta dacwadda Badda ee ICJ taala madaxweyne Farmaajo oo uga hadlay qeybihii ugu dambeeyay khudbadiisa shir saxaafadeedka Labada madaxweyne wuxuu sheegay in kiiska Badda ee ICJ yaalla uusan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal.

Balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Monica Juma ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu muujiyay kalsoonidiisa ah in arrinta ICJ lagu xallin doono qaab labada dhinac oo  wada oggol ah.

Sidoo kale page-ka rasmiga ah ee Madaxtooyada Kenya ayaa lagu yiri”  Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu muujiyay kalsoonida uu ku qabo in dacwadda badda ee labada dal ee ICJ in lagu xaliyo qaab la isla ogolyahay ka hor maxkamadda cadaaladda aduunka ee Hague”

Waxaa muuqata in sida Kenya ay rabto wax u socdaan ka soo bilow dalabkeeda is xig xiga ee dib u dhigista maxkamadda ICJ ee Kenya  iyo kulanka labada Madaxweyne oo dhacay inkabadan Afar jeer tan iyo markii khilaafka labada dal uu si toos ah u soo shaac baxay.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay la hadlayay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sheegay in Dowladaha dariska ah hadii ay  kuu arkaan inaad neceb tahay ama aadan la shaqeyneyn iney kuusoo dhaxmarayaan maamul-Goboleedyada,Xildhibaanada, siyaasyiinta ama dowladda dhaxdeeda, halkan ka akhriso kana daawo.

Waxaa jiray cadaadis iyo dadaalo lagu xalinayo arrinta dacwadda ICJ oo ay wadeen dowladaha Mareykanka, Norway, Qatar iyo UK oo ka shaqeynayay in hab aan Maxkamadda aheyn lagu dhameeyo dacwadda Badda.

Durbadiiba Xildhibaano katirsan golaha shacabka, siyaasiyiin iyo shacab ayaa shaki weyn ka muujiyay hadalka ka soo yeeray dowladda Kenya waxeyna dowladda Federalka ugu baaqeen in si deg deg ah loo sharaxo waxa kajira hadalka dowladda Kenya.

Puntlandes.com

About The Author