Sheekh Shariif iyo Fahad Yaasiin oo xalay kulmay

15 Nov 2019 (Puntlandes) Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe uu kulan dhex maray Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin

Kulankan oo ahaa mid qorshihiisa labadii maalmood socday ayaa ka dambeeyay markii uu Fahad Yaasiin uu la xiriiray Sheekh Shariif, kana dalbaday inay is arakaan oo uu hoygiisa ugu imaan doono, si uu ula fariisto, taasna uu ka aqbalay Shariifka.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan oo bilowday abaarihii 1-da habeennimo ee saq dhexe ayaa qaatay ku dhowaad 40-daqiiqo, waxaana uu ahaa mid looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, dhacdooyinkii is xigay ee maalmihii la soo dhaafay dhacay ee sababay in xiisada siyaasadeed ee dalka ay cirka isku shareerto, kaddib hadalkii kululaa ee Sheekh Shariif.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in laga wada hadlay in la dejiyo xiisadaha siyaasadeed, wada hadalo ka dhex bilowda dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, isla markaana uu codsaday Fahad Yaasiin inay is arkaan Madasha Xisbiyada iyo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in Fahad Yaasiin uu u muuqday nin ergo buuxda ka ahaa dowladdaa, maadaama uu keligiis u tagay Shariifka, kulan labadooda dhex maray aanay cidna ku wehlin, waxaana inta badan dhanka Fahad ka soo baxayay in xaalada la dejiyo, isla markaana u caddeeyay inuu ka xun yahay waxyaabihii dhacay, diyaar u yihiin in laga xaaltamo.

Kulanka xalay ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii la soo dhaafay ay jireen hadal heyn kala duwan oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyo iyo abaabulka bannaan baxyo la qorsheynayo inuu ka dhaco magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegayo in dowladda uu aad walwal badan uga haayo bannaan baxyadaas.

Puntlandes.com

.

About The Author