Jubbaland oo cabasho ka dhan Ethiopia u gudbisay Ergeyga QM ee Soomaaliya

15 Nov 2019 (Puntlandes) Maamulka Jubbaland ayaa cabasho ka dhan ah dowlada Ethiopia u gudibiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay dalka Soomaaliya David Swan.

Qoraal uu ku saxiixnaa Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in dowlada Ethiopia ay ku soo xadgudubtay deegaano ka mid ah gobolka Gedo ayna ka qafaalatay mas’uuliyiinta illaa saddex degmo oo ka tirsan Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa ugaga digey Qaramada Midoobay in dowlada Ethiopia ay qorsheyneyso iyadoo ay gadaal ka riixeyso dowlada federalka in gobolka Gedo uu ku dhowaaqo inuu ka go’ay Jubbaland taasna ay cawaaqib xumo ka dhalan karta.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka loo gudbiyay wakiilka qaramada midoobay ee dalka Soomaaliya.


Puntlandes.com

About The Author