Madaxweyne Gaas oo dhambaal tacsi ah u direy Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan labada Gole iyo kan shacabka Puntland wuxuu tacsi tiiraanyo xambaarsan u diray Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke geerida ku timid hooyadiis Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir oo xalay ku geeriyootay Dalka Kanada.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo tacsi u direy guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Marxuumada oo ahayd Marwadii kowaad ee Qaranka Soomaaliyeed, Xaaskii Madaxweyne Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu tacsi Qaran u direy Qoyskii, Ehelkii iyo Caruurtii ay Marxuumadu ka tagtay, Wuxuuna Illaahay uga baryayaa Marxuumada Jano waarta iyo dambi dhaaf.
Akhri qoraalka tacsida
1599

About The Author