Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Guddiga cusub ee doorashooyinka Puntland

16 Nov 2019 (Puntlandes) Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC).

Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay mid-mid taariikh-nololeedkooda uga hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada.

Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin;  diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo  qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka.

Puntlandes.com

About The Author