Ururka OLNF oo bedelay astaantiisii hore, maxay tahay astaanta cusub?

16 Nov 2019 (Puntlandes) Shirwaynahii 4aad ee JWXO (ONLF) oo k kadhacay Magaalada Godey ayaa Ergadii ka qaybgashay waxay ku ansixiseen Astaan cusub oo Ururka ONLF uu yeelan doono.

Ansixitaan ayaa ka dhigan inay Jamhadii ONLF u xuubsiibatay Xisbiga ONLF, taas oo ay ergadu si buuxda u ansixiyeen kuna badaleen Astaantii hore

Astaantii hore ee labadalay ayaa ahayd Qalin iyo Qori istalowsan, waxaana lagu badalay Astaan cusub oo ah Gorgor Qalin lugaha kuwata.

Dhanka kale dawladda Itoobiya ayaa shalay siisay Xisbiga ONLF shahaadada inuu yahay Xisbi si sharci ah uga diiwaangashan Itoobiya dalkoo dhana uga qaybgeli kara doorashada.

Hoos ka daawo astaanta ee  Xisbiga ONLF

Hoos ka daawo astaantii hore ee Jamhadda ONLF

Hoos ka daawo ogolaanshaha Xisbinimo ee ONLF


Puntlandes.com

About The Author