Dhegayso: Xaggee marayaa Dhismaha Dekedda Garacad, goormaana lasoo gabobayn?

16 Nov 2019 (Puntlandes) Waxaa si xawli ah u socda dhismaha Dekedda Garacad ee degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, taasoo ay si toos ah u socoto dhismaha qaybta Badda.

Waxaana 9kii november si rasmi ah u bilawday aasitaan badda, taasoo lagu gurayo ciid iyo dhagxaan loogu talagay, waxaana lasoo dhamaystiran wadadii ay baabuurtu maraysay.

Waxaa goobta dhismaha soo gaaray qalab culculus oo loogu talogalay dhismaha Dekedda, iyadoo iminka ay diyaar ku yihiin halkaas dhamaan qalabkii loogu baahnaa dhismaha dekedda, hoos ka daawo.

Dhismaha Dekeddan ayaa sida qorshaysan ku soo gabogaboobaysa muddo 19 bilood ah ama 1 sano iyo 7 biliid.

Waa dekeddii ugu horraysay guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Puntland oo lagu hirgeliyo si isku tashi ah.

Dhanka kale waa markii ugu horaysay ee ay Puntland yerelanayso  deked ay ku soo xiran karaan maraakiibta waaweyn ee kunteendharrada xambaara, iyadoo dekeddan ay ku soo xiran karaan labo Markab oo 10.000 tan hal mar, maraakiib yar yar ah iyo 8 doonyood.

Hoos ka daawo warbin faahfaahinasa

Puntlandes.com

About The Author