Sawirro: Dallada qurba-joogta Puntland ee Yurub oo qabtay tababar wacyigelinta dhalinyada

17 Nov 2019 (Puntlandes) Dallada qurba-joogta Puntland ee Yurub (PEDAN) ayaa waxay qabtay tababar ku saabasan wacyi gelinta argagixsada iyo marin habaabinta dhalinyarada.

Tabobarkaan ayaa socon doonta mudo shan cisho  ah waxaana  ka soo  qayb galay  ergo ka kala socota 10 dal oo ku yaala qaarada Yurub, wakiilada dawaladda Puntland ee qaarada Yurub, xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka magaalada Aarhus iyo wasiir ku xigieenkii hore warfaafinta Puntand.

Tabobarkaan ayaa waxaa loo qabtay gudoomiyaasha jaaliyadaha iyo ururada Puntland ee qaarada Yurub.

Sidoo kale waxaa tababarka garab socon doona shirweynihii afraad ee qurbajoogta Puntland ee Yurub oo ay maalgalinayso midowga Yurub, kaas oo socon doona 19 ilaa 21 bishan nov. 2019ka

Waxaa hostigareeyey ama martigeliyey tababarkaan Puntland Diaspara Forum.


Puntlandes.com

About The Author