Alshabaab oo shaacisay inay la wareegeen degaanka gacan-maroodi ee gobolka Sanaag

18 Nov 2019 (Puntlandes) Malayshiyaadka Alshabaab, ayaa markii u horraysay si rasmiya u shaaciyay in ay la wareegeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsa degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay “Alshabaab oo qabsatay degaankii ugu horreeyay ee istiraatiijiya oo ka tirsan Somaliland” ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaallamayaasha Alshabaab oo gudaha u sii galaya degaankaasi.

Afhayeenka dhanka Hawlgallada u qaabilsan Alshabaab oo lagu magacaabo, Cabdicasiis Abu-Muscab oo warbixintu soo xigatay, ayaa sheegay in Alshabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan degaanka Gacan-Maroodi ee istiraatiijiga ah.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dagaallamayaashooda halkaasi qabsaday ay khudbado u jeediyeen bulshada degaanka, isagoo xusay in ay tahay markii u horraysay ee ay qabsadaan degaan ka tirsan Somaliland.

Puntlandes.com

About The Author