Sawirro: Golaha wasiiradda Puntland oo ansixiyey Miisaaniyada 2020-ka

18 Nov 2019 (Puntlandes) Wasaaradda Maaliyada Dawlada Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 18.11.2019 u gudbisay Miisaaniyada 2020-ka oo cadadkeedu dhan yahay USD 346,416,158.99 milyan oo dollar sanadkii.

Kulanka gollaha Wasiirada oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa waxaa shir gudoomiyey Madaxweynaha Dawlada Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa sidoo kale fadhiyey madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxaana ugu horayn halkaas faah-faahin dheer oo ku saabsan miisaaniyadan cusub kasoo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi.

Wuxuuna si kooban uga hadlay muhiimada Miisaaniyadda iyo waxa ay uga duwan tahay miisaaniyadihii hore, wuxuuna tilmaamay in miisaaniyadan lagu saleeyey baahiyaha asaasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad dibadeed oo la heli karo.

Miisaaniyada sanadkan waxaa si aada uga muuqda dhaqaale ay Dawlada Puntland u qoondaysay horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garoowe-Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida ah dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.

Waxa xusid mudan in mudadii ay taladda haysay Dawlada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni inay si toosa u bixisay xaquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada Dawlada, waxaana dadaalkaas muujiyey Wasiirka Wasaaradaa Maaliyada Mudane Xasan Shire Cabdi, Madaxda kale ee wasaarada iyo dhamaan shaqaalaha qaybahooda kala duwan oo ay ka go’an tahay ilaalinta ku dhaqanka Miisaaniyada.

Kullankan miisaaniyadda lagu horgeeyey gollaha Xukuumadda waxaa goobjoog ahaa, Agasimaha guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha guud, agaasimaha waaxda miisaaniyada iyo saraakiishii wasaradda ee kasoo shaqaysay diyaarinta miisaaniyadda cusub.

 


Puntlandes.com

About The Author